Nabigu waxuu caddeyey-naxariis iyo nabadi korkiiye-dadka midka ugu tuugannimo xuni inuu yahay midka salaaddiisa xada, waayo ka maal aanu laheyn xadaa waxaa dhici kara inuu adduunka intifaacsado, laakiin kan salaaddiisa xadaya xaqii naftiisa oo ajar iyo xasanaat ah ayuu xadayaa, waxay dheheen: Rasuulka Alloow, siduu salaaddiisa u xadaa? waxuu dhahay: uma dhammaystiro rukuucdeeda iyo sujuuddeeda, isagoo degdeg kula imanaaya rukuucda iyo sujuudadaba, sidii loo baahnaana u lama imanayo.