Nin reer baadiye ah ayaa waydiiyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu baro wardi uu akhristo, Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: dheh: ''laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu'' wuxuu ku bilaabay shahaadada towxiidka Ilaahay, oo macneheedu yahay: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay wayne ahayn, ''Allaahu akbar kabiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayaa ka wayn wax walba, ''Al-xamdu lilaahi kasiiran'' macnaheeduna: Ilaahay ayey mahad badani u sugnaatay, waxay ugu sugnaatay sifooyinkiisa, ficilladiisa iyo nicmooyinkiisa aan la koobi karin, ''Subxaana Allaah Rabbil-caalamiin'' (Ilaahayga Rabul caamiinka ah ayaa nusqaan oo dhan ka nasahan). Macnaha: Ilaahay wuxuu ka nasahan yahay oo ka dahiran yahay nusqaan oo dhan, ''laa xawla walaa quwata illaa billaah Al-casiisul xakiim'' (xeelad iyo xoog ma laha cidaan ahayn Allaha Casiiska ah oo Xakiimka ah" macnaha: majirto cid xaalad taagan xaalad kale u badali karta in Ilaahay u gargaaro oo waafajiyo mooyee'' ninkii ayaa yiri: Ereyadaan Ilaahay ayey u sugnaadeen waana xuskiisa iyo waynayntiisa, ee maxaan anigu lee yahay oo aan naftayda ugu ducaystaa? Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa: '' Allahayow ii dambi dhaaf'' oo iga tir-tir dambiyada oo iga Astur, ''iina naxariiso'' Adigo i soo gaarsiinaya nafaca iyo masaalixda diineed iyo tan aduunba, ''oo xaqa igu hanuuni'' oo igu hag waxa wanaagsan iyo jidka toosan , '' oo i irsaaq'' maal xalaal ah, caafimaad, kheyr kasta iyo caafiyah.