Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si uu ugu sheego camal uu janada ku galo. wuxuu ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janada oo la galo iyo naartoo laga bad-baado waxay ku xiran tahay arkaanta Islaamka oo la guto, taasoo ah Ilaahay keligi in la caabudo, oo aan cid kale loogu shariig yeelin. Waa inaad gudato salaadaha shanta ah ee Ilaahay adoomadiisa ku waajibiyey habeenkii iyo maalintii. Waa inaad bixisaa sakada xoolaha Ilaahay kugu waajibiyey, oo aad siiso kuwa xaqa u leh. Waa inaad ilaalisaa Bisha Ramadaan soonkeeda waqtigeedana soontaa. Ninkii ayaa yiri Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee camalkaa la faral yeelay ee aan kaa maqlay wax kale oo cibaado ah ku dari maayo, kana nusqaamin maayo. markuu ninkii dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: qofka ay farxad galinayso inuu arko nin Ehlu janado ah ha arko ninkan reer baadiyaha ah.