Ibnu Cumar Allaha kawada raali ahaado isaga iyo aabbihiibe wuxuu sheegay in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: " hadii qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo midigtiisa, waayo shaydaanku wuxuu ku cunaa bidixdiisa wuxuuna ku cabaa bidixdiisa".
Sahih/Authentic. - Muslim