Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga scw ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana gacanta ku hayay oo tarbiyeynaayey Nabiga scw isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu scw wuxuu baray saddexdan aadaabta cuntada ku saabsan.: Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada. Tan 2aad: midigta oo lagu cuno. Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.