Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu madaxiisa kor u soo qaado imaamka ka hor in Ilaahay madaxiisa ka dhigo madax dameer, ama uu Ilaahay suuradiisa ka dhigo suurad dameer." Sahih/Authentic. - Al-Bukhari and Muslim
explain-icon

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey goodi adag oo ku soo arooray qofka madaxiisa kor u soo qaada imaamkiisa ka hor, in Ilaahay ka dhigo madaxiisa madax dameer ama suuradiisa ka dhigo suurada dameer.

explain-icon

fawaed

  • Ma'amuumka la tukanaya imaamka xaalkiisu waa afar: sadex waa la iska reebay, waana: ka horayn, garab socod iyo ka daahid, ma`muumkana waxaa laga rabaa: inuu imaamka raaco.
  • Ma`muumku inuu imaamka salaada ku raaco waa waajib.
  • Goodiga ah in loo badali doono suurada qofka ka hor qaada madaxiisa imaamka ka hor suurad dameer arin suuragal ah, wuxuuna ka mid yahay masakhaada.
explain-icon

cats

explain-icon

dheeraad/kordhin