Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka sooma bisha ramadaan isagoo Illaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.