Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadkii reer madiina ansaarta ay jeclaayeen waa astaan tusaysa iimaan kaamila, waana iyagoo ku hor maray inay u hiiliyaan Islaamka iyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-,iyo dadaalkii ay u galeen soo dhawayntii iyo dib u dejintii muslimiinta, iyo inay u hureen maalkooda iyo naftoodaba jidka Ilaahay, in loo caroodana waa astaanta nifaaqa. Ka dib wuxuu cadeeyey Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee cida ansaar jeclaata in Ilaahay jeclaanayo, cida u carootana Ilaahay u caroonayo.