Wuxuu caddayey Nabigu naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee fadliga uu leeyahay diinta islaamka oo la soo galo . Qofka islaama ee ay fiicnaato islaamnimadiisu oo ahaada qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii macsi ah ee uu sameyey jaahiligii. qofkase islaamnimadiisu xumaato sida inu munaafiq noqda ama diintiisa ka ridoobo waa lagu xisaabin macsidii uu qaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu muslimay.